Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay dadaalada uu ado Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsinta Maxamed Xuseen Rooble iyo shirkii uu la yeeshay shalay Midowga Musharixiinta.
War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayan lagu soo hadal qaadin oo ka gaabsatay shirkii uu xalay Maxamed C/llaahi Farmaajo isugu yeeray Maamul Goboleedyada inay isugu yimaadaan Muqdisho, waxayna taa bedelkeed ku baaqday inay in la qabto shirkii la qorsheeyay ee madaxda dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEKA BEESHA CAALAMKA
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.
Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.