War ay soo saareen wakiilada beesha caalamka ayaa niyad xumo ka muujiyay dib u dhaca ku yimid soo gudbinta musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo dib u dhacay 5-tii Bishan Oktoobar.
War-saxaafadeed ay soo saareen wakiilada Beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaan la aqbaleynin dib u dhac ku yimaada doorashada xildhibaanada Aqalka sare oo qorsheysan 10-ka Oktoobar.
“Dhammaan inta ay quseyso waa inay hadda laba jibaaraan dadaalkooda si loo dhaqan geliyo waqtiga doorashada loo dejiyay oo aan mugdi lahayn, kalsoonidii lagu qabay doorashada waxaa la soo celin kara marka xilliga loo qabtay doorashada xubnaha aqalka sare la suurageliyo oo wax dib u dhac kale ahna aanay dhicin..” ayuu yiri Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.
Wadani.com