Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo Dowladda Federaalka & Maamul Goboleeyada ka dalbatay shir degdega.. (Akhriso)

    Beesha Caalamka oo Dowladda Federaalka & Maamul Goboleeyada ka dalbatay shir degdega.. (Akhriso)

    December 15, 2020Updated:December 15, 20203 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilada Beesha caalamka ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan Doorashada Dalka 2020/2021, waxayna ugu baaqeen Madaxda dowladda Federalka iyo maamul Goboleedyada ay shir degdeg ah isugu yimaadaan si xal looga gaaro caqabadaha hortaagan Doorashada.

    Qoraalka Beesha Caalama ayaa u qornaa sidaa soo soocta:

    Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin is-afgaranwaaga hadda ka taagan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.

    Is-afgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii bishii Oktoobar. In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.

    Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. 

    Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

    Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo niyad sami oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa sido kale muhiim noqon doona.

    Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee madaxda Federaalka iyo kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka niyad samida ah ee Dhuusomareeb ee isu tanaasulka ah ay gacan ka geysan doonto in howlaha doorashada ay ku sii socdaan wadada saxda ah. In kulamada noocan ah ee madaxda laga dhigo kuwo habaysan waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada ismariwaaga siyaasadeed ee daba dheeraaday.

    Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay xusuustaan ballanqaadyadii lagu sameeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dinac ee 2021 ee lagu ballanqaaday hannaan doorasho oo nabadgelyo ah oo ku saleysan wadahadalka hadda socda, iyo in la dejiyo qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.

    Toddobaadyada soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah si loo hormariyo go’aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka tubta doorashooyinka 2024/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha dhisidda ciidamada ee la qorsheeyay in la qabto bisha Janaayo 2021.

    Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.

    Wakiilada Beesha Caalamka ee War-saxaafdeedka soo saaray ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

    Beesha caalamka Doorashada Top Wakiilada Beesha Caalamka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMidowga Murashaxiinta oo shacabka ugu baaqay inay sii wadaan dibad-baxyada, eedeyna u jeediyey Farmajo
    Next Article Dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay ciidamo badan geysay xuduudka Kenya iyo cabsi laga qabo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo