Beesha Caalamka ayaa farriin ay u soo dirtay Baarlamaanka Soomaalida waxay walaac ka muujisay daahinta heshiiska doorashada ee madaxda Soomaalida ay gaareen, iyadoo ugu baaqday Baarlamaanka Federaalka inuu dedejiyo isla markaana ansixiyo heshiiska.
Qoraal ka soo baxay kooxda loogu yeero Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Q/Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afria, IGAD, Mareykanka, Ingiriiska, Italy, Sweden iyo Itoobiya waxay si weyn walaac uga muujiyeen qaabka Baarlamaanku u wado heshiiska qaabka Doorashada oo Ra’iisal wasaaruhu u gudbiyay Baarlamaanka 30kii April.
Safiirada ururada iyo dalalkan ayaa la kulmay madaxda Soomaalida saddex maalmood ka hor, waxayna ku adkeeyeen in si degdeg loo meelmariyo heshiiska qaabka doorashada oo muhiim ay tahay in hore loogu socdo dhaqan gelintiisa.
Beesha Caalamka waxay ugu yeertay Baarlamaanka Soomaaliya inuu fahmo sida degdegga ah ee loogu baahan yahay heshiiska iyo mas’uuliyadda saaran inay si haboon u gutaan, iyadoo qarka loo saaran yahay in Golaha ammaanka uu booqdo magaalada Muqdisho ayna haboon tahay in qaabka doorashada la ansixiyo iyadoo aan dib loo dhicin.
“Geedi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya hakad ayuu ku jira ilaa heshiiska la ansixiyo, waa muhiim in arrintan si degdeg ah u dhacdo, si sharci ahaan awoooda loola kala wareego aakhirka sanadkan, haddii lagu fashilmo tani waxay farriin khalad ah u direysaa adduunka iyo malaayiin Soomaali ah oo doonaya inay arkaan horumar lagu gaaro in doorasho qof iyo cod ah Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2o2o” Ayuu yiri Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.
Fariintan ayaa ah tii ugu cusleys ee ka timaada Beesha Caalamka, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay cabsi laga qabay in Baarlamaanka Federaalka uu isbedel ku sameeyo heshiiska, taasoo dib u dhac ku keenta heshiiska doorashada xilli waqtiga harsan aad u sii yaraanayo.
Wadani.com