Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya kadib socdaallo ay ku tageen maamul Goboleedyada iyo kulamo ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaran iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya looga dalbaday fulinta 11 qodob oo ku saabsan doorashada soo socota 2020/2021.
Beesha Caalamka oo ka kooban dalal dhowr ah, UN-ka Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD waxay ugu horeyn dalbadeen in haweenka laga siiyo 30% qoondada Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku adkeystay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah aakhirka 2020 iyo horaanta 2021-ka.
Qoraalka caawa kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo ballanqaadkii dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka inay Beesha Caalamka ka dalbaneyso Doorashada soo socota ay noqoto:
1- Mid dhowreysa Dastuurka;
2- In Doorashada Federaalka ku dhacdo waqtigii loogu talogalay ee aakhirka 2020 iyo horraanta 2021; iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameynayo Baarlamaanka iyo Fulinta.
3- In Doorashadu noqoto mid ay ka wada qeyb galaan dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed
4- Inay dadka Somaaliyeed siiso fursad ay si toos ah u doortaan dadka metalaya – Hal qof iyo hal Cod-
5- In xisbiyada siyaasadda ay ka qeyb qaataan Doorashada.
6- In la xaqiijiyo qoondada 30% ee haweenka ku yeelanayaan Baaralmaanka Federaalka.
7- Inay Doorashada ka qeyb galaan dadka ugu badan ee suuragalka ah oo ay ku jiraan Barakacayaasha
8- Inay noqoto Doorashadu mid heysata taageerada dhammaan dhinacyada Soomaalida.
9- In Doorashada loo qaban karo si hufan oo nabad ah oo soo jiidan karta taageerada dhaqaale si loo fuliyo qodobadan.
10- Inay keento natiijo si nabad ah loogu doorto hoggaamiyeyaal heysta sharciyad
11- Iyo in la dhowro xilka Guddiga Qaran ee Doorashooyinka.
Beesha Caalamka waxay ugu baaqday labada aqal ee Baarlamaanka inay ansixiyaan sharciga Doorashooyinka iyo kan xisbiyada dhammaadka sanadkan 2019, waxaana loogu baaqay dhinacyada Soomaalida inay meel iska dhigaan khilaafka u dhaxeeya ayna bilaabaan wadahadal.
Xubnaha Beesha Caalamka waxay kala yihiin: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom, United Nations and United States.