Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Beesha Caalamka oo ka digay Dib u dhac ku yimaada Shirka 15-ka Febrayo. “Goobta shirka cudurdaar uma..”

    Beesha Caalamka oo ka digay Dib u dhac ku yimaada Shirka 15-ka Febrayo. “Goobta shirka cudurdaar uma..”

    February 13, 2021Updated:February 13, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Besha Caalamka ayaa War- cusub kasoo saartay Shirka lagu baaqay inuu dhaco 15-ka Febraayo 2021 ee wadahadalka khilaafka Doorashada, iyadoo ka digtay in goobta lagu qabanayo shirkaasi aanay cudurdaar u noqon karin inuu dib u dhaco.

    Qoraal ka soo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu caddeeyay in degdeg loogu baahan yahay sidii ay Madaxda u xalin lahaayeen arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb, kuna heshiiyaan adwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiska Doorashada.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA BEESHA CAALAMKA

    Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.

    Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda  Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.

    Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

    Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya.

    * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

    Beesha caalamka Doorashada Madaxda maamul Goboleedyada Wakiilada Beesha Caalamka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBeesha Caalamka oo Qaab cusub u bedeshay Shirkii Arrimaha Doorashooyinka ee 15- Febraayo
    Next Article Mareykanka oo Farriin Toos ah u dirtay Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo