Warsaxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyay musuqmaasuq iyo awood sheegasho ka jirta doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Soomaaliya.
Q/Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa qoraal ay wadajir u soo saareen maanta ku sheegay inay si weyn uga walaacsan yihiin eedaha iska soo daba dhacaya ee ku saabsan musuqmaasuqa hareeyay hanaanka Doorashada iyo caga-jugley lagu hayo musharixiinta u taagan aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in Beesha caalamka sida ay u dhaliilsan tahay dib u dhaca ku yimid doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka oo la qorsheeyay inay bilaabato 23-ka Oktoobar, sida ay guddiga doorashada ku sheegeen jadwalkoodii la bedelay.
Waxaa dhammaan dhinacyada ku howlan doorashada lagu booriyay inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo kalsooni lagu helayo nidaamka doorashada oo aan loo ogolaan inay qasaan kuwa doonaya inay awood iyo musuq adeegsadaan.
Guddiyada doorashada ayaa lagu adkeeyay inay hubiyaan qoondada haweenka xitaa haddii aysan odayaashu ku dhaqmin.
Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in dib u dhaca doorashada ee sii socota iyo falalka musuqmaasuqa iyo cabsi gelinta inay keeneen su’aalo ka taagan sharciyadii iyo nidaamka doorashada oo dhan. wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo cabsi gelinta iyo handadaadda musharixiinta, ergada iyo iibsiga codadka.
AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAN
Wadani.com