Beesha Caalamka ayaa kulan gaara isugu keeneysa Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, kadib waanwaan ay gashay saacidihii ugu danbeeyay, waxaana lagu wadaa inuu kulankooda Galabta ka furmo xarunta Xalane.
Kulankan oo ay ka qeyb galayaan shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Jubbaland ayaa ujeedkiisu yahay in laga gudbo caqabadaha horyaalla shir weyn oo ay yeeshaan Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Shirkan waxaa ka hor yimid oo dadaal badan u galay inuu baajiyo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, laakiin waxaa la sheegay inuu ku fashilmay ka hortagga shirkan oo iminka dadaalkii ugu danbeeyay loogu jiro inuu qabsoomo.
Farmaajo ayaa saaka ku kallahay xarunta Afisyoone maalintii afraad, isagoo halkaasi ugu yeeray madaxweynayaasha maamul Goboleedyada taageersan ee Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabeelle ee taageersan, taasoo aan dhicin, waxaana lasoo weriyey in kulanka Farmaajo ay ku wehliyaan Maxamed Xuseen Rooble iyo Cumar Filish.
