Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa cadaadis kasoo wajahay beesha caalamka, iyadoo labaa qodob looga hadlay kulan khadka Internetka ku dhex maray wakiilada beesha caalamka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha Amni iyo dagaaalka laga cabsi qabo inuu ka dhaco magaalada Guriceel ee Gobolka ee Gobolka Galgaduud, waxayna beesha caalamka ka dalbatay Madaxweyne Qoorqoor inuu degdeg u dhammeystiro labada kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug iyo in xaaladda Guriceel lagu dhammeeyo nabad.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in koox ka ka tirsan saaxiibbada caalamiga ah kulan khadka Internet-ka ah la yeesheen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ si ay ugala hadlaan xaaladaha amni ee dhowaan ka soo cusboonaaday Galmudug iyo muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare loona billaabo doorashada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa wajahaya culeyskii ugu weynaa ee dhinaca doorashada oo beesha caalamka ay walaac ka qabto sida loo daahiyey, xilli dhinaca kale uu abaabul dagaal wado si uu Ahlu suna uga saaro degaanada ay dhowaan ka qabsatay.
