Beesha Caalamka ayaa si buuxda u soo dhoweysay, isla markaana taageertay wareegtadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ansixiyay Heshiiska Doorashada 2016, isla markaana kula wareegay awoodii Baarlamaanka ee sharciyeynta qaabka doorashada dalka.
Qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegtay in wareegtada madaxweynaha ay dhabaha u xaareyso in la bilaabo qabanqaabada iyo sidii farsamo ahaan loo dhaqan gelin lahaa geedi socodka doorasgada dalka iyadoo aan wax dib u dhac kale la gelin, ayna sii xoojineyso balanqaadii dowladda Federaalka, madaxda iyo Baarlamaanka ee ahaa inaysan jiri doonin waqti kordhis.
“Beesha Caalamka ee Soomaalida taageera waxay soo dhoweynayaan oo si buuxda u taageerayaan tallaabadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Federaalka ay qaadatay” waxaa sidaa yiri wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Micheal Keating oo intaas ku daray: “Dhammaanteed waxaan fileynay xaalad ka duwan in lagu ansixiyo qaabka doorashada, laakiin waxaa muuqatay toddobaadyadii ugu danbeeyay in Baarlamaanka Federaalka dhibaato ku noqotay inuu isku raaco sharciyeynta heshiiska”.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa bogaadiyay wareegtadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ansixiyay Heshiiska Doorashada 2016, isla markaana kula wareegay awoodii Baarlamaanka ee sharciyeynta qaabka doorashada dalka.
Keating oo faallo kooban ka bixiyay war ay Beesha Caalamka ku taageertay wareegtada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wareegtada ay tahay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday jihada saxda ah. taasoo horseedeysa in horumarka siyaasadda Soomaaliya sii socdo.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo la isla dhex marayay in beesha caalamka ay madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday tallaabada uu awoodii Baarlamaanka kula wareegay.
Wadani.com