Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Beesha Caalamka oo soo dhoweysay dhismaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle [War-saxaafadeed]

    Beesha Caalamka oo soo dhoweysay dhismaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle [War-saxaafadeed]

    October 20, 20162 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kusoo dhoweysay dhismaha maamul goboleedka cusub ee Hirshabeelle.

    HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA

    Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Midowga Yurub (EU), Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay sida uu kusoo idlaaday geedi-socodkii maamul u samaynta Maamulka HirShabelle ee dhowaan la unkay, waxayna u hambalyeeyeen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cali Cabdullaahi Xuseen oo iyagu qaaday mas’uuliyaddaas culus.

    Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay qireen dadaallada ay Dowladda Federaalka ah ku horumarinayso geedi-socodka maamul samaynta, waxaa kale oo ay qireen dowrka muhiimka ah ee hawl-fududaynta ah ee IGAD ka cayaartay geedi-socodkan.

    Saaxiibada caalamku waxay maamulka HirShabelle ku dhiirri-geliyeen inay la hadlaan kooxihii aan ka-qaybqaadanin geedi-socodka maamul samaynta, lana xaqiijiyo ilaalinta masaalixda dhamaan beelaha [deegaanka]. Tani waa in lagu xisaabtamaa marka laga qaybqaadanayo geedi-socodka doorashada oo si loo wada dhanyahay loo helo metelaadda labada aqal.  Dib u heshiisiin laga hirgeliyo dhamaan deegaanada HirShabelle ayaa muhiim u ah marxaladda hadda lagu jiro.

    Saaxiibada caalamku waxay ku boorriyeen madaxda cusub ee HirShabelle inay hadda diiradda saaraan geedi-socodka doorasho ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Maamulka cusub wuxuu haystaa fursad uu ku muujiyo hogaamin isagoo u hogaansamaya xeerarka iyo habraacyada ay isla meel dhigeen madaxda Madasha Hogaanka Qaran. Saaxiibada caalamku waxay [sidoo kale] ugu baaqeen madaxda Maamulka inay xaqiijiyaan in ugu yaraan 30% kuraasta loo qoondeeyay HirShabelle ee labada aqal, Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka loo qoondeeyo [oo loo daayo] haweenka.

    Saaxiibada caalamu waxay maamulka cusub ugu baaqeen inuu dadaal kasta ku bixiyo sidi geedi-socodka ay ugasoo bixi lahayd magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub

    “Soo dhawoow HirShabelle” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto maamulka cusub oo isagu ku hawlan ajenda u samaynta muwaadiniintiisa iyo horumarinta hay’adaha [dowladeed] si uu wax uga qabto baahida muwaadiniintiisa”.

     

    Beesha caalamka Hirshabeelle UN
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleLiiska Rasmiga ah ee xildhibaanada Aqalka Sare u dooratay Puntland [Magacyada & Sawirro]
    Next Article Nabadoon 80 jir caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo