Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Beesha Caalamka oo soo dhoweysay Go’aanka Dowladda Federaalka ee qaabka Doorashada 2016

    Beesha Caalamka oo soo dhoweysay Go’aanka Dowladda Federaalka ee qaabka Doorashada 2016

    January 28, 2016Updated:January 28, 20163 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ay qaadatay ee ku aaddan hanaanka doorasho ee loogu talagalay geeddi socodka doorashada la qaban doono dhamaadka sannadkan. Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Dowladda Ethiopia, Dowladda Faransiiska, Dowladda Talyaaniga, Dowladda Qatar, Dowladda Sweden, Dowladda Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Dowladda Maraykanka ayaa dhammaantood taageero u muujiyay tallaabadan muhiimka ah.

    Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan go’aanka ku aaddan nooca doorasho oo ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya 27ka Janaayo. Saaxiibada caalamku waxay ku bogaadinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay u raadinayso in wada ogolaansho laga gaaro nooca doorasho ee sannadka 2016. Sidoo kale, saaxiibada caalamku waxay madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya, ku bogaadinayaan dadaallada dhabta ah ee ay u galeen, muddo bilooyin ah, sidii isu-tanaasul lagu gaari lahaa. Saaxiibada caalamku waxay garwaaqsanyihiin in noocan (doorasho) uu u baahanyahay isu-tanaasul ka yimaada dhamaan dhinacyada, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed inay soo hormariyaan danta dalka kana fogaadaan carqaladayn iyo colaad lagu sameeyo hanaanka doorashada.

    Waxay xuseen oo ay ballan qaadeen inay taageeraan tallaabooyinka siyaasadeed ee soo socda ee degdegga loogu baahanyahay si loo xaqiijiyo hirgelinta go’aanka iyo tallaabooyinka loo baahanyahay si horumar looga gaaro hanaan doorasho oo tayo fiican iyo nidaam siyaasadeed oo la helo mustaqbalka.

    Go’aanka maanta laga gaaray hanaan doorasho wuxuu ka dhiganyahay guul wayn, wuxuuna, mar kale, muujinayaa go’aanka madaxda Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’antahay inay ixtiraamaan muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha sharci dejinta iyo tan fulinta, iyo in la qabto hanaan doorasho sanadka 2016. Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale soo dhoweynayaan xaqiiqada ah in nooca doorasho ee ay go’aansatay Dowladda Federaalku uu waafaqsanyahay mabaad’dii lagu qeexay Baaqii Muqdisho ee 16ki Disembar.

    Saaxiibada Soomaaliya ee caalamaka waxay ugu baaqayaan madaxda siyaasadda iyo hay’adaha dalka, oo uu ka mid yahay baarlamaanku, inay si dhow oo wax ku ool ah uga shaqeeyaan faahfaahinta loo baahanyahay si loo hirgeliyo hanaanka doorashada, iyo khariidad siyaasadeed ee loo dejiyo muddada u dhexeysa 2016 iyo 2020, si waafaqsan Baaqii Muqdisho. Saaxiibada caalamku waxay ku nuuxnuuxsanayaan in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu yahay tallaabo muhim ah, inkastoo ay tahay tii ugu horeysay, ee loo qaado doorasho qof-iyo-codkiisa ah oo la qabto sannadka 2020.

    Saaxiibada caalamku waxay garowsadeen in go’aanka laga gaaray hanaanka doorashada uu sidoo kale yahay guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed, oo si xamaasad iyo niyadsami leh uga qaybqaatay geeddi socodka wadatashiga qaran si loo gaaro mustaqbal siyaasadeed oo la wadaago. Dadka Soomaaliyeed waxay filanayaan oo ay mudanyihiin in waqtigiisa lagu hirgeliyo sannadkan geeddi socod doorasho oo loo wada dhanyahay oo daahfuran. Waqtigan ay Soomaaliya iyo dalalka gobolkaba weli weerar lagu hayo, saaxiibada caalamku waxay ku nuuxnuuxsanayaan in horumar siyaasadeed oo sii socda uu yahay arrin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo joogtaynta dadaallada amniga iyo xasillinta iyo horumarinta dhaqaale ee ka dhaca dhammaan gobollada Soomaaliya.

    Saaxiibada Soomaaliya ee caalamaka waxaa ka go’an inay Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya ku taageeraan hirgelinta geeddi socodka doorashada ee dabayaaqada sannadkan. Waxay mar kale ku celinayaan sida adag ee ay uga go’antahay taageerada ay u hayaan geeddi socodka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo inay la shaqeeyaan dhammaan degaanada si ujeeddadan loo gaaro.

    Dhammaad

    Wadani.com

    Qaabka doorashada Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: C/weli Gaas oo Boosaaso ka sheegay sababtii uu uga baxay Heshiiskii Madasha
    Next Article Somali peace rally at site of Lido beach attack

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo