Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo taageertay wada-hadalladii heshiiska dhaliyey ee Axmed Madoobe Jubaland iyo siyaasiyiinta Golihii Isbadal doonka Jubaland ee 23-kii April lagu saxiixay magaalada Nairobi.
Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.”
Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan dhincyada siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara.
Waxay sidoo kale sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda.
“Beesha caalamka waxay ugu baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.
Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka iyo ururada kala ah: Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, UK, Mareykanka, iyo QM. waxaana ka maqnaa dalal ay ka mi yihiin Itoobiya iyo Trukey.