Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb (Akhriso ballanqaad ay bixisay)

    Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb (Akhriso ballanqaad ay bixisay)

    August 19, 2020Updated:August 19, 20203 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa war-cusub kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3, iyadoo ballanqaaday inay fududeynayaan sidii loo hirgelin lahaa natiijada kasoo baxda ee lagu heshiiyo.

    Qoraalka Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay madaxda ka maqan shirka Dhuusamareeb inay ka qeyb galaan shirka, waxaana looga digay in koox ama qeyb gaara ay gaarto go’aan ku saabsan Doorasho aan loo dhammeyn, waxaana arrintan ay soo baxeysaa iyadoo Beesha caalamka ay ku dhex jirto badbaadinta shirka Dhuusamareeb 3.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA BEESHA CAALAMKA

    Saaxiibada Beesha Caalamka oo ku Dhiirigeliyay Dhammaan Madaxda Inay ka Qaybqaataan Kulanka Doorashada ee Muhimka ah Ballanqaadayna Inay Fududeynayaan Hirgelinta Natiijada ka soo Baxda Kulanka

    Muqdisho, 19 Agoosto 2020 – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

    Waxay sidoo kale soo dhoweynayaan billowga hawsha Guddiga farsamo ee Wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si Madaxdu uga baarandegaan. Saaxiibadu waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga Magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan.

    Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay Muhim tahay in dhammaan Madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan Saamilleyda Soomaaliyeed.

    Waxay dhammaan Madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta Horumarka laga gaaray Dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay. Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.

    Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka Magaalada Dhuusamareeb, waxayna Dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.

    Beesha Caalamka ayaa kala ah: Belgium, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

    Beesha caalamka Shirka Dhuusamareeb Top UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Danab oo gacanta ku dhigay Gaari Qaraxyo sida oo ku socday Muqdisho (Sawirro)
    Next Article Dowladda Somalia oo Heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda maamusha Dekadda Muqdisho ee Albayrak

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo