Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay xaaladda Dalka & Baaq loo diray Madaxda Soomaalida (Akhriso)

    Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay xaaladda Dalka & Baaq loo diray Madaxda Soomaalida (Akhriso)

    February 8, 2021Updated:February 8, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha caalamka ee loo yaqaan ‘Saaxiibada beesha caalamka’ ayaa war-saxaafadeed csuub kasoo saartay xaaladda dalka iyo shirkii Dhuusamareeb 4 ee lagu heshiin waayey.

    Qoraalka War-saxaafadeedka ayey beesha caalamka ku baaqeen shir wadatashi ah oo mar kale ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. “Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    “Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.” ayaa ka mid ahaa qoraalka Beesha Caalamka.

    Waxaa warka Beesha Caalamka kasoo baxay oo shalay lagu waday in la faafiyo lagu soo gabagabeeyay. “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Dhuusamareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka”.

    Beesha caalamka Farmaajo Top War cusub
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ciidamo Koofiyad Cas ah oo la geeyay Xarunta Baarlamanka iyo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya oo..
    Next Article Mareykanka oo Farmaajo ka dalbaday inuu Heshiis degdega ka keeno Madaxda Maamul Goboleedyada (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo