Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Doorashada iyo Dhaarinta Xildhibaannada cusub

    Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Doorashada iyo Dhaarinta Xildhibaannada cusub

    April 5, 2022Updated:April 5, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dalab loo diray Madaxweynayaasha Hirshabeelle & Jubbaland iyo taageero buuxdana oo la siiyey dhaarinta xildhibaannada labada Aqal

    Saaxiibada Soomaaliya ee loo yaqaan Beesha caalamka ayaa War kasoo saaray xaaladda Doorashada dalka iyo dhaarinta xildhibaannada, iyadoo dalab u diray Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Jubbaland, isla markaana waxay si buuxda u taageeen in lagu socdo jadwalka 14-ka bishan lagu dhaarinayo xildhibaannada labada Aqal.

    War-saxaafadeedka hoos ka akhriso

    Waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.

    Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.

    Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil. Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland.

    Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho – lana doorto guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. Waxaa muhiim ah in qabanqaabada marxaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci. Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda.

    Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada.

    Saaxiibada caalamku waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Waxaan u rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed ku-hagaagidda mabaadi’da Ramadaan ee ee dib-u-milicsiga, samafalka, midnimada iyo wadajirka ee xilligan xasaasiga u ah qaranka.

    *Howlgalka Kala Guurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

    Beesha caalamka Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo Farmaajo iyo Hay’adihiisa Amniga uga digay khalkhal gelinta Doorashada
    Next Article Taliyihii ciidamada ilaalada RW Rooble oo xilkii laga qaaday iyo Arrin yaab leh oo uu ku kacay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo