Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Midowga labadii maamul ee Galmudug [Akhriso]

    Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Midowga labadii maamul ee Galmudug [Akhriso]

    January 19, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay heshiiska Galmudug ee ay ku soo gabagabeeyeen heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug ay wada gaareen.

    Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Jabuuti, Itoobia, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa bogaadiyay Dowlad Goboleedka Federaalka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) ugu hambalyeeyay heshiiska ay maanta ku gaareen kuna saxiixeen magaalada Dhuusamareeb kaasoo u gogol xaaraya in maamul midaysan loo dhiso Galmudug.

    Saaxiibada beesha caalamka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal Jamaaca Sheekh Shaakir ugu hambalyeeyay ballanqaadka ay u galeen inay ka go’antahay dibuheshiisiin iyo midnimo, iyo dadaallada ay Galmudug ugu dhisayaan Dowlad Goboleed Federaal ah, loo wada dhanyahay oo xasilloon.

    Iyagoo ka hadlay xafladda heshiiska lagu saxiixay ee ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqeen madaxda iyo dadka reer Galmudug inay billaabaan shaqada lagu hirgelinayo heshiiska, iyagoo hanaan si buuxda loogu wada dhanyahay u maraya dhammaan qodobadiisa, oo ay ka midtahay dhisidda baarlamaan wadajir ah, dastuur wadajir ah iyo ciidamo amni oo wadajir ah si loo ilaaliyo dadweynaha loona dhowro sharciga iyo kala dambeynta.

    Xasilloonida siyaasadeed ee heshiiskan ka dhalanaysa waxay Galmudug siin doontaa fursad uu diiradda ku saaro baahiyaha degdegga ah sida sii xoojinta xasilinta siyaasadeed, dakhli ururinta, soo kabashada bulshada-dhaqaalaha iyo hirgelinta Qaabdhismeedka Amniga Qaran, oo ay ka midyihiin Qorsheyaashiisa ee Booliiska Dowlad Goboleedyada.

    Waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo taageeradda ay siiso hirgelinta heshiiska, ayna u abuurto duruufihii suurtagelin lahaa inuu guuleysto. Saaxiibada beesha caalamku waxay diyaar u yihiin inay garab socdaan Galmudug oo haya waddada nabadaynta iyo dowlad dhisidda.

    Saaxiibada beesha caalamku waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahadcelinayaan kaalinta uu ka cayaaray fududeynta wadahadalladii dhexmaray maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, iyo weliba taageerada Sanduuqa Xasilloonida Soomaaliya, ee suurtageliyay heshiiskii lagu gaaray Jabuuti laguna saxiixay magaalada Muqdisho bishii Diisembar 2017. Waxay ballanqaadeen inay ka go’antahay inay Urur-Goboleedka IGAD kala shaqeeyaan taageeridda iyo fududeynta hirgelintiisa.

     

    Beesha caalamka Galmudug UN
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD & XAQIIQO: Maxaa ka jira in Maamulka G/Banaadir uu iibsaday Barxadda Ceelgaab..?
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Guriceel

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo