Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Sharciga Doorashada & 4 Qodob oo ay dalbatay in la caddeeyo

    Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Sharciga Doorashada & 4 Qodob oo ay dalbatay in la caddeeyo

    February 26, 2020Updated:February 26, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Beesha Caalamka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan sharciga Doorashada iyo baaq ku socda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka.

    Waxaa warsaxaafadeedka Beesha caalamka lagu dalbaday in la laga heshiiyo 4 qodob oo ka maqan Sharciga Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, ayna isu yimaadaan madaxda dowladda Soomaaliya, guddiga doorashgada iyo maamul Goboleedyada, iyadoo lasoo celinayo wada-shaqeyntii dowladda iyo maamul Goboleedyada.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.

    In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si wax looga qabto su’aalo badan oo aad muhiim u ah oo weli taagan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hirgellinta xeerkan.

    Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) si uu u hirgeliyo sharciga doorashada, waxayna carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso – oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda – inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ  oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada. 

    Saaxiibada caalamku waxay dib u milicsanayaan wadahadalladii badnaa ee ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo weliba Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo isla eegay qaybaha uu ka koobanaanayo sharciga la doonayo in la dhaqan geliyo. Qaybahaas waxaa ka mida:

    1- Caddeynta degaan Doorashooyinka iyo qoondeynta kuraasta ee loo qoondeeynaayo deegaan doorashooyinka

    2- Kala caddeynta kuraasta loo gaar yeelayo haweenka si loo xaqiijiyo ugu yaraan matalaadda 30 %.

    3- Nidaamyada lagu soo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland

    4- iyo matalaadda dadka deggan gobolka Benadir ay ku yeelanayaan Baarlamaanka.

    Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, in uu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo.

    Saaxiibada ayaa sidoo kale u arka in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu qayb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashooyin qabsooma waqtigii loogu latalagalay. Sidaas darteed, waxay carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo ka-baaraan-degidda iyo ansixinta wax-ka-bedelka sharcigaasuu kusoo sameeyay Baarlamaanka Federaalka ah.

    Saaxiibadu waxay carrabka ku adkeynayaan in qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay oo lagusoo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Saaxiibadu waxay carrabka kusii adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee loogu baahan yahay wadashaqayn dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaalliya iyo Dowlad Goboleedyada si loo gaaro arrimahaas iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka.

    • Beesha Caalamka waxay ka kooban tahay: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Qaramada Midoobay.
    Beesha caalamka Doorashada 2020 Sharciga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMareykanka oo shaaciyey inuu Duqeyn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab & Xaaskiisa oo qorsheeyay..
    Next Article Cudurka Coronavirus oo ku dhacay Askari Mareykan ah, kuna sii faafaya dalalka Italy, South Korea & Iiran

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo