Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaaladda Doorashada Dalka & Hadalkii Xaliimo Yarey

    Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaaladda Doorashada Dalka & Hadalkii Xaliimo Yarey

    June 29, 2020Updated:June 30, 20202 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dalalka Beesha Caalamka ee la baxay (Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka) ayaa War kasoo saaray Xaalada Doorashada Dalka iyo khudbadii ay Baarlamaanka ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Yarey, iyagoo ku baaqay in kulan degdeg ay yeesheen madaxda dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

    “Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay la socdeen khudbadii 27-kii Juun ay Golaha Shacabka ka hor-jeedisay Guddoomiyaha Gudduga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), khudbadaas oo ay kusoo bandhigtay kala-xulashooyin farsamo oo lagu qabanayo doorashooyin qof-iyo-cod ah sida ugu dhow uguna macquulsan ee waqtiga dastuurku farayo. Waxaan uga mahad-celinaynaa Gudoomiyaha soo-bandhigidda ay ka hor-jeedisay Golaha Shacabka…” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

    Waxaan adkeeyeen baahida joogtada ah ee loo qabo in dadka Soomaaliyeed ay wadahadal loo dhanyahay ka yeeshaan sidii lagu heli lahaa heshiiska ugu ballaaran ee suurtagalka ah oo laga gaaro mowduucan muhiimka ah, waxayna hoosta ka xarriqeena muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhameystiran oo faah-faahsan oo dhexmara madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

    “Waxaan soo dhaweynaynaa ku dhawaaqista uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ku dhawaaqay in uu kulan la yeelan doono dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada 5ta illaa 8da Luulyo waxaana boorinaynaa in kulankaas uu noqdo tallaabada xigta ee wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamilayda ugu muhiimsan…” ayaa ka mid ahaa qoraalka Beesha Caalamka.

    Qoraalka Dalalka Beesha Caalamka ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Waxaan ogsoonnahay in baarlamaanku uu sidoo kale yeelanayay kulan looga hadlayay arrimaha la xiriira xeerka doorashada. Waxaan boorinaynaa in la xoojiyo heshiiska siyaasadeed ka hor inta aan la gaarin go’aannada kama-dambeysta ah. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii ay dhaqso heshiis uga gaari lahaayeen tubta loo marayo qabashada doorashooyin qaran iyo arrimaha kale ee degdega loogu baahanyahay ee leh hortabinta qaran.”

    Beesha caalamka ayaa kal ah: *Belgium, Ingiriiska, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

    Beesha caalamka Doorashada Top Xaliimo yarey
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXeer ilaalinta oo dalbatay in Dil toogasho ah lagu xukumo Askari Dad shacab ah ku dilay Muqdisho
    Next Article Safiirka Somalia ee UN-ka oo loo doortay Guddoomiyaha Shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo