Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Beesha Caalamka waxaa ka go’an inuusan Xasan Sheekh Madaxweyne sii ahaan kadib 2016 (Warbixin)

    Beesha Caalamka waxaa ka go’an inuusan Xasan Sheekh Madaxweyne sii ahaan kadib 2016 (Warbixin)

    March 19, 2015Updated:March 23, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilka Qaramada Midoobey u qaablisan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa olole balaaran ugu jira sidii dowladda Federaalka ee hadda jirta waqtigeeda loogu ekeyn lahaa isla markaana looga hortegi lahaa isku day kasta oo madaxda dowlada ku doonayeen inay waqtiga ku kororsadaan, iyadoo ay muuqato in xiligii loogu talogalay aanay ku dhici karin doorasho sida loo qorsheeyay hiigsiga cusub 2016.

    Kay-Hassan

    Mr. Kay ayaa dowladda Soomaaliya ku cadaadinaya inay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran inay dalka gaarsiiso doorasho sanadka 2016-ka, dalkana ka hirgeliso maamulo federaalka ah iyo dowlad ay xilka ku wareejiyaan. Kulamadii ugu danbeeyay ee Nicholas Kay ayaa lagu soo gabagabeeyay kulan xasaasi ah oo uu la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) isagoo kala hadlay isla arrinta hiigsiga cusub iyo inaysan beesha caalamku ogolaaan doonin waqti kororsi loo sameeyo dowladda hadda jirta.

    [ad name=”HTML-2″]

    Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray  wakiilka Qaramada Midoobey u qaablisan Soomaaliya Nicholas Kay waxaa mar kale lagu xaqiijiyay inaysan jiri doonin xilli kororsi ay sameystaan madaxda dowladda Soomaaliya marka uu xilligooda dhammaado, wuxuuna rajo mugdi ku jiro ka muujiyay in sannadka 2016-ka doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya.

    Wuxuu si cad ugu sheegay warsaxaafadeedkiisa in wixii ka dambeeya Ogoosto 2016-ka oo ku beegan dhammanshaha xilliga Baarlamaanka hadda jira, aanay Beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Soomaaliya oo ay xildhibaanada Baarlamaanku ku jiraan. Laakiin waxaa is weydiin leh digniinta ka timid wakiilka Q/Midoobay iyo xilliga ay ku soo beegantay?.

    Waxaa muuqda inaysan suuragal ahayn doorasho ka dhacda Koofurta Soomaaliya 2016, sidoo kale waxaa soo baxeysa inaysan jiri doonin xil kororsi loogu daro xitaa baarlamaanka hadda jirta waqti kale, waxaa kaloo soo if baxeysa in la raadinayo qaab looga gudbo hiigsiga cusub oo aan ahayn waqti kororsi iyo doorasho, waana sababta Wakiilka Q/Midoobay diiradda u saarayo Baarlamaanka oo ah awoodda saldhigga u ah dowladda Federaalka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti kororsi inuu ku fekerayo laga dareemay, waxaa rajadiisa mugdi geliyay go’aanka beesha caalamka ee soo hordhacay iyo digniinta Nicholas Kay oo sanad ka hor xilligaasi la shaaciyay, lamana oga sida uu uga baxsan doono xaaladaha adag ee ku wareegsan ooa halis ku noqoneysa damaciisii ahaa inuu dib ugu soo laabto hogaanka dalka.

    Waxa kaliya ee dowladda Federaalka isku haleyn karo ama sameyn karto inta waqtigeeda ka haray waa in la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada kumeelgaarka ah oo laf ahaantooda aan dhibaato yareyn, inta badan maamuladaasi waxay u gacan galeen hogaamiyeyaal damacyo siyaasadeed leh oo kala duwan, mana muuqato inay noqon karaan maamulo dadka ku nool codka siinaya, waxayna halis ku yihiin maamulada la dhisay iyo kuwa dhismahoodu socdo nidaamkii doorashada iyo kii federaalka ee la doonayay in dalka la gaarsiiyo.

    Waxaa dhinacyada arrintani ay quseyso laga doonayaa inay isla gartaan qaabka iyo nooca ay noqon doonto dowladda sanad kadib ay yeelan doonto Soomaaliya oo laga yaabo inuusan jirin dhinac fikrad ka heysta ama qorshe uga yaalo arrintaasi, waxayna ahayd hal-xiraale kale inay soo baxdo diido kororsi iyadoo wixii lagu bedeli lahaa aan meel lagu sheegi karin. Laakiin beesha caalamku waxaa ka go’an in Xasan Sheekh aanu madaxweyne sii ahaan kadib September 2016.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Muddo kororsi Nicholas Kay Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleU.S. drone strike killed al Shabaab leader Garaar in Somalia: Pentagon
    Next Article Somalia PM interview: We are ready for business

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo