Beesha Dir, gaar ahaan Surre ayaa shaacisay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dagaal ku hayo beeshooda, isagoo u diiday awood qeybsigii beelaha ee ay xaq u lahayd.
Shir ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay xaqii beeshooda oo uu xilalkii ka qaaday labadii xil ee dowladii Xasan Sheekh ay ku lahaayeen, isagoo aan wax bedel ah siinin, waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen inuu doonayo Farmaajo in mar kale la doorto.
Odayaasha ayaa sheegay inaysan wax kalsooni ah u heynin Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo, waxayna u direen hanjabaad culus oo ah in dhammaan xildhibaanada beesha ay ka hor imaan doonaan.
HOOS KA DAAWO