Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Beesha Xawaadle 16 Qodob kasoo saartay Shirkii Nairobi (Akhriso Dalab ay u direen Xasan Sheekh)

    Beesha Xawaadle 16 Qodob kasoo saartay Shirkii Nairobi (Akhriso Dalab ay u direen Xasan Sheekh)

    February 18, 2023Updated:February 18, 20234 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    AShirkii Beesha Xawaadle ee magaalada Nairobi aya laa so osaarya 15 Qodob oo ah Go’aannada Shirweynaha kasoo baxay, kuwaas oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo Amniga degaanada Beesha, kuwaasoo quseeya Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka.

    Waxay beesha saluug ka muujisay inaysan miisaankii siyaasadeed ku lahayn xilalka dowladda Federaalka, iyadoo sheegay in xilalka ay beeshu ka hayso dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka beesha, uguna baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya inay si deg deg ah u saxaan arrintaas.

    Shirka oo ay ka qeyb galeen Siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa go’aaniadda kasoo baxay waxay kala yihiin:

    1. Shirweynuhu wuxuu ka tacsiyeynayaa dadkii faraha badnaa ee ku geeriyooday halganka looga soo horjeedo Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka. Wuxuu Allah uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa janno, islamarkaasna uu samir iyo iimaan ka siiyo qaraabada iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen.

    2. Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada xoreynta deegaanka ee Macawisleey oo kaalin dahabi ah ka galay dib-u-xoreynta gobolka iyo dalka. Wuxuuna Shirweynuhu ugu baaqayaa dowladda Federaalka ah in ciidamada xoreynta deegaanka “Macawiisleey” ay u sameyso qorshe deg deg ah oo ay uga mid noqon karaan qaybaha kala duwan ee ciidanka qalabka-sida ama shaqo abuur kale.

    3. Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la laba-laabo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, lagana saaro meelaha harsan ee gobolka Hiiraan iyo dalka intiisa kale.

    4. Shirweynuhu waxa uu isla-qaatay in ay beeshu hormuud ka noqoto dhab-u-heshiin ballaaran oo ka dhacda gobolka Hiiraan iyo deriskaba. Siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka shirweynaha ka qeyb-galay waxa ay ugu baaqayaan beelaha gobolka Hiiraan iyo deriskaba nabad, heshiis, wada-noolaansho iyo walaalnimo.

    5. Shirweynuhu waxa uu u aqoonsaday halyeeyadii hoggaaminayay halganka ee ku geeriyooday dagaalka xoreynta inay yihiin geesiyaal baal dahab ah ka galay taariikhda gobolka iyo dalkaba. Wuxuuna ku baaqayaa shirku in dadka ay ka mid yihiin Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan Tuure iyo qaar kale oo badan loogu magac-daro goobaha dadweynaha si loo xusuusto.

    6. Shirweynuhu wuxuu u aqoonsaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan, inuu yahay halyeey ku suntan hormuudka halganka la-dagaallanka al-Shabaab. Wuxuuna shirweynuhu ku bogaadinayaa kaalintii mugga lahayd ee hoggaamineed ee uu ka qaatay, welina uu ka wado la dagaallanka kooxda Khawaarijta ee al-Shabaab.

    7. Shirweynuhu wuxuu aqoonsaday kaalintii weyneyd ee ay haweenka beesha Xawaadle ka qaateen halganka lagula dirirayo Al-Shabaab. Wuxuuna ku baaqayaa inay haweenku qeyb ka noqdaan siyaasadda iyo horumarka gobolka iyo dalka.

    8. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dowladda dhexe in ay siiso muhiimad xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaab, ayna si deg deg ah ugu sameeyso maamul, ciidamo booliis ah iyo maxkamado ka shaqeeya nabadda iyo caddaaladda goobahaas.

    9. Shirku wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle, beelaha gobolka, qurbajoogta, ganacsatada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, inay ka qeyb-qaataan gurmadka dadka ku dhibaatoobay dagaallada.

    10. Shirweynaha Beesha Xawaadle wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah u dhisto goobihii ay dumiyeen argagixisadu, sida xarunta Gobolka, Buundada Buula Barde, xarunta degmada Maxaas iyo goobaha kale ee la midka ah.

    11. Shirweynaha Beesha Xawaadle waxa uu isla gartay in deg deg lagu dhisay maamulka Hirshabelle, ayna saluugsanaayeen wadada loo maray, iyada oo aan heshiis laga ahayn. Sidaa darteed, Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa inay Dowladda Federaalku dib ugu noqoto qaab-dhismeedka Dowlad-gobolleedka Hirshabelle iyo awood qeybsiga, waxaana Shirweynuhu dalbanayaa in si deg deg ah ay Dowladda dhexe u saxdo.

    12. Shirweynuhu wuxuu isla-gartay in metelaadda iyo xilalka ay beeshu ka hayso dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka beesha. Wuxuuna ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya inay si deg deg ah u saxaan arrinkan.

    13. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in loo baahan yahay guddi-marjic ah oo aan ahayn guddi siyaasadeed. Waxaana lagu dhisi doonaa shirweynaha labaad ee ka dhici doona gobolka Hiiraan, iyadoo lala tashanayo siyaasiyiinta metala beesha.

    14. Shirweynaha Beesha Xawaadle waxa uu ku baaqayaa in colaadda ka aloosan magaalada Laas Caanood si deg deg ah loogu dhameeyo nabad iyo wadahadal, loona gurmado dadka ku barakacay dagaalkaas.

    15. Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo furay Shirweynaha, kuna baaqay cafis guud oo beesha gudaheeda iyo dhammaan beelaha deegaanka, isla markaana ka duceeyey, soona gebagabeeyay Shirweynaha.

    16. Waxaa mahad gaar ah iska leh Allaah (SWT) oo suurageliyey qabsoomidda Shirweynaha, waxaana ka baryaynaa Allaah inuu nagu guuleeyo dagaalka al-Shabaab iyo horumarinta Gobolka iyo guud ahaan dalka.

    Beesha Xawaadle Go'aannada Xawaadle Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkado si toos ah Deeq u gaarsiiyay Turkiga iyo ololihii Gurmadka Dowladda Somaliya..
    Next Article Faahfaahin laga helay Qarax si yaab leh oo loogu dilay Taliye ka mida Milateriga Gobolka Gedo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo