Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Meheri ee Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho si weyn ugu cambaareeyay falkii lagula kacay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Sacdiya Yaasiin Samatar.
Shir jaraa’id oo ay qabteen ayey ku sheegeen in ujeedka celinta diyaaraddii gargaarka siday ee ay la socotay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, iyadoo aan shidaal heysan ay ahayd isku day dil lagu khaarijin lahaa oo uu soo maleegay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Shirka Jaraa’id ee Beesha Meheri oo dhacay maalin kadib qalalaasihii magaalada Boosaaso, ayey beesha ay kasoo jeedo xildhibaan Sacdiya ku caddeeyeen in ujeedku ahaa in diyaaradda oo shidaalku ku yaraa ay ahayd inay dhacdo, sidaasina lagu khaarijiyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.
Suldaanka beesha C/llaahi Jaamac ayaa u sheegay Madaxweynaha Puntland inay ka baahday madaxweynaha Puntland, ayna ka xun yihiin xaaladda ay maanta mareyso Puntland, isagoo dalbaday inuu dib isugu laabto.