Booliska dalka Kenya ayaa raadinaya 8 qof oo loo heyso weerarkii 15-kii Bishan Janaayo ka dhacay dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi, dalka Kenya oo kooxda Alshabaab ay sheegatay laguna dilay 21 qof.
Booliska dalka Kenya ayaa faafiyey muuqaallada 8-da qof ee la sheegay inay xiriir la leeyihiin ama wax ka abaabuleen weerarkaasi, waxaana ka muuqda inay yihiin dad u dhashay dalka Kenya.
Alshabaab ayaa la sheegay inay dhex gashay dalka Kenya, iyadoo xubno badan ka qoratay beelaha iyo degaanada kala duwan ee dalka Kenya.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA









![Booliska Kenya oo soo shaaciyey 8 Qof oo loo heysto Weerarkii Dusit Nairobi [DAAWO SAWIRRADA]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2019/01/Wanted.jpg)