Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in la qabtay koox dhalinyarrada ka dhoofin jirtay magaalada Muqdisho. kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen caasimadda.
Afhayeenka Ciidmaada Booliska Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlayey xarunta CID-da ee Muqdisho u sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen rag iyo haween la sheegay inay si sharci darro ah looga dhoofin rabay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Afhayeenka Booliska inay qabteen dad ay tiradoodu gaarayso 27 qof oo Soomaali ah (22 Dumar dhalinyaro u badan, 3 rag ah iyo 2 howlwadeen), dadkaasi waxaa loo dhoofin rabay dibadda si sharci darro ah.
Dadkan u badan haween dhalinyarro ah ayuu afhayeenku sheegay in qaar ka mida waalidkood aysan ka war qabin oo waxbarasho ugu maqnaayeen, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta inay si dhow ula socdaan caruurtooda.
Kooxdan abaabulan ayaa la qabtay 8-dii bishan June 2021, waxaana hadda ku socda baaritaan, iyadoo baaritaanka kadib maxkamad la horgeyn doono.
