Booliska Gobolka Banaadir ayaa saxaafadda u soo bandogay haweenay baraha bulshada lgau baahiyey, iyadoo tacdi kula kaceysa gabar yar, isla markaan asi arxan darro ah ula dhaqmeysa.
Ciidanka Booliska ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa soo xiray haweeneydan, sida u usheegay Afhayeenka Booliska oo sheega in tacadiyada ay u geysatay gabadha yar ay ahaayeen kuwo soo taxnaa, haddana baaritaan lagu hayo xaaladeeda.
Haweeneydan falkan geystay oo lagu magaaabo Shukri Cabdullahi Xaashi ayaa kasoo muuqatay xarunta Denbi baarista CID-da, waxaana kiiskeeda lagu hayaa baaritaan.
Gabadha yar Sahro C/llaahi Maxamed ayaa ah 9 sano jir, waxaana jirkeeda ka muuqday dhaawacyo, iyadoo kiiskan uu yahay midkii ugu horeeayay ee noociisa ah oo dhowaanahan ka dhaca magaa;ada Muqdisho.
