Booliska Ingiriiska ayaa loo gudbiyey warbixin ku saabsan Laacibka reer Masar iyo kooxda Liverpool oo jebiyay sharciga wadista baabuurta, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyey muuqaal muujinaya isagoo Gaari wada inuu telefoon ku hadlayey.
War kasoo baxay Naadiga Liverpool ayaa lagu sheegay in muuqaalka laga qaaday laacibka iyo wadahadal dhex maray mas’uuliyiinta naadiga iyo Mohamed Saalah loo gudbiyey Booliska iyadoo faafhaahin laga siiyey sida ay wax u dhaceen iyo sida ay ku dhacday arrintan loo si weyn u qabsatay baraha bulshada.
Naadiga Liverpool ayaa sheegay in dhacdada Mohamed Salah lagu xalin doono gudaha kooxda, isla markaana aanu jirin doonin war kale oo Liverpool arrintan kasoo saari doonto.
Muuqaalka Mohamed Salah oo telefoon ku hadlaya xilli uu waday Gaarigiisa, isla markaana ay taageerayaal badan ku xoonsan yihiin ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada iyadoo faallooyin kala duwan laga bixiyey, waxaana sharci darro ah in xilliga qofku wado Gaariga uu telefoon ku hadlo.
Salah nice guy1!1!1!1! pic.twitter.com/apV59CyHbc
— Jack 🔰 (@LindelofRole) August 13, 2018