Ciidamada Booliska ayaa shaaciyey inay qabteen nin ku eedeysan inuu dilay xaaskiisa, kaasoo baxsad ahaa.
Ninkan oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Xasan ayaa 4-tii bishan June si arxandarro ah xaaskiisa oo muran ka dhaxeeyay ku dilay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, isagoo markaas baxsaday.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wadhiigley ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 202” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Afhayeenka Taliska Booliska Sadiiq Aadan Cali.
Eedeysanaha oo Booliska hore shaciyey in eedeysnaha lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac ayaa sheegay inay ogaadeen inuu magaciisa runta ah yahay Bashiir Cabdi Xasan, isagoo wajahi doonaa Cadaaladda.
