Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii qaraxa ahaa ee caawa lagu qaaday Baarka Lulu Yemani ee degmada Xamarjajab, magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Dodishe ayaa sheegay in qaraxa lagu fuliyey Mootada xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana qasaaraha uu gaaray 10 dhimasho ah iyo dhaawaca 30 qof oo kale.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo lagu fuliyey Gaari walxaha qarxa laga buuxiyey, waxayna war ay soo saartay ku sheegtay in lagu beegsaday isu imaatin saraakiisha ciidamada dowladda.
Hay’adhaa Gurmadka degdegga ah iyo dadkii goobjoogayaasha ahaa ayaa laga soo xigtay inay qraxa Maqaayada ku dhinteen in ka bnadan 20 qof, 40 kalena ay ku dhawaacmeen.
Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ay wadooyinka caasimada ciidamada dowladdu xireen si ay uga hortagaan bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha waqtifiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
