Afhayeenka Ciidamada Booliska Kabtan Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) a oo ayaa shaaciyey in la qabtay laba Nin oo midkood uu sheegay inuu isku qarxin lahaa Dadkii maanta bannaanbaxyada ka dhigayey magaalada Muqdisho.
Ninkan oo ayuu sheegay Afhayeenka inuu watay Jaakadda waxyaabaha qaraxa ku rakiban yihiin, isla markaana uu doonayey inuu isku qarxiyo maanta, ujeedkuna ahaa inuu ku waxyeeleeyo dadka bannaabaxa ka dhigayey Muqdisho.
“Argagixisada waxay rabaan inay muujiyaan jiritaankooda, maanta waxaa jiray bannaanbax dadka ku bandhigayeen dareenkooda… waxay rabeen inay uga faa’iideystaan bannaanbaxyada oo ay dadka ku waxyeelaan, laakiin waa laga hortegay.. cadaaladda ayaana la hor geynayaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo u warramay Warbaahinta dowladda

Afhayeenka Booliska ayaan sheegin halka laga qabtay ninka la sheegay inuu is qarxin rabay, mana jirrin wax caddeyn ah, iyadoo hore Boolisku u sheegay xilliyo ay jireen bananbaxyo in la qabtay rag hubeysan oo aan marna la soo bandhigin.
Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Ex. Komtrol Afgooye lagu qabtay maanta dhagarqabe kale oo doonayey inuu Gaari uu lahaa qof muwaadin ah ugu xiro qarax, kadibna ay ciidamada gacanta ku dhigeen, miinadiina la qarxiyey.