Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa ka hadlay xiisadii ka dhalatay dilkii askari ka tirsan ciidamada u geystay laba qof oo shacab ah iyo dagaallo magaalada ku dhex maray Booliska iyo Milateriga.
Wuxuu sheegay in lagu raad joogo Askarigii dilka u geystay labadii wiil ee Isgoyska Howlwadaag ee dibadbaxyadu ka bilaawdeen asagoo sheegay in xabsiga loo taxaabay Taliyihii aagaas ka talinayay.
Wuxuu soo saaray baaq ku socda shacabka oo ah inay gacan ku siiyaan soo qabashada Askariga dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Dable Maxamed Deeq Cabdulqadir kaasoo uu sheegay inuu baxsad yahay.
Taliye Gen. Bashiir Ameeriko ayaa digniin u diray ilaalada Madaxda Dowladda, waxaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono dagaalada dhexmaraya Ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa howlgalalda ka wada Magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo soo hadal qaaday is rasaasayn shalay Ciidamo Militeri iyo Boolis ah ku dhex martay magaalada Muqdisho, iyadoo falkaasi loo xiray Taliyeyaal Ciidan iyo Askar ku lug lahaa isku dhacyada magaalada.