Wararka laga helayo magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamada Booliska magaaladaasi ay xabsi u taxaabeen haweeney hor istaagtay dhalinyarro dooneysay inay gubaan Calanka Soomaaliya.
Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Degan Miiraash, waxaana hore loo xiray muddo laba jeer ah, markii lagu soo eedeeyay inay Qolkeeda jiifka ku goglatay Calanka Soomaaliya, kadibna ay ku faafisay baraha bulshada.
Booliska ayaa haweeneydan saaka kaxeystay iyagoo xabsiga u taxaabay, lamana oga eeda loo heysto, waxayna arrintan kusoo beegmeysaa iyadoo maamulka Somaliland uu dagaal kula jiro dadka Calanka Somaliya ku lebista ama soo bandhiga.
Dhalinyarro aan badneyn oo kasoo jeeda Somaliland ayaa bilaabay inay soo bandhigaan iyagoo gubaya Calanka Soomaaliya, kadib markii la xakameyn waayey dadka Calankaasi wata ee baraha bulshada kasoo galay magaalooyinka Somaliland maamusho.
