Soomaaliya ayaa waqtiyadan dambe waday dadaal dheeri ah, si ay u soo celiso Safaaraddaha ay ku leedahay adduunka.
Waxaa jiro marka la magacaabaayo Safiir cusub, in warsaxafadeedka shirarka golaha wasiiradda gadaal laga tilmaamo, war sheegaayo Safiiro cusub.
Ujeedka maqaalkan waxaan ku iftiiminoyaa, waa kuma Safiirka Soomaaliya ee Washington?.
Wiil saaxiibkeey ah oo ka shaqeeyo Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Muqdishu, ayaa markii ugu horeysay ii sheegay in
Safaarad Soomaaliya ka furtay Washington. Safaaraddaa oo safiirkii labaad Axmed Ciise Cawad waqtigiis la furay, sanadkii 2015.
Saaxiibkeey oo hadalkii wata ayaa ii sheegay
“Safiir run ah maaha Axmed CiiseAxmed Ciise, waxaa looga yaqaan wasaaradda magaca “Tabeele”.
Kkkkk, Tabeele!!! Haa, Tabeele. Saxiibkey kaftan maaha.
Maxaa loogu baxshay Tabeele?. Waxaa kale oo aan warsaday saaxiibkeey “ Yaa Safiir ah”.
Saaxiibkeey “ Qunsulka oo la dhaho Taabit Cabdi oo Madaxweyne Xasan qaraabo la ah (Abti), ayaa ah Safiirka Washington.
Maxaa jiro oo aad ku cadaynaysaa ayaan ugu war celiyay saaxiibkeey.
Saxiibkeey: War baa kaa maqan!, Wasaaradda oo dhan iyo xarunta “Villa Somalia”
waa la socotaa.
Fiirso socdaalka Safiirka, hawl kasta canuga ayaa qaato, isaga ayaa nala soo xiriiro, oo qaata go’aan kasta. Sidoo kale bogga twitter-ka ee Safaaradda. Waxa jiro sawir iyo warar tiro badan oo kuu sheegaayo in aanu ahayn safiirku mid jiro, ee uu yahay “Tabeele” goobta yaalo.
Wali ma aragtay barta safaaraddaha kale sawir la soo geliyo safiirka iyo qunsulka oo isku jiro mar kasto. Markaasey, ii sheeg, yaa maamulka hayo?
Waxaa kale oo jiro in canuga oo horey Taxi-wade ka ahaa Ingiriiska, uu Washington u joogo Saro (new houses) Madaxweyne Xasan uu ka gadanaayo Maraykanka, oo hada projektadaas uu ka sheqaynaayo.
Ka gadaal hadalkii saaxiibkeey dad badan oo wasaaradda iyo Villa Soomaaliya ka shaqeeyo, oo si wacan u garanaayo Axmed Ciise, ayaa ii sheegay in uu yahay shakhsi liito, aan karti leheen, Warka magaca “Tabeele” uu jiro.
W/Q: Muxyadiin Ibrahim
Muqdishu