Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis iyo wiilkiisa ah dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman ayaa xarunta Boqortooyada ku qaabilaya wiilka uu dhalay saxafiga la dilay ee Jamal Kashoqgi iyo walaalkiis.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay tacsi u direen qoyska Saxafiga oo ay dileen Sirdoonka Sacuudiga oo ku dhex dilay 2-dii bishan Oktoobar Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, waxaana amarka dilkaasi lagu tuhunsan yahay inuu bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga.
Wiilkauu dhalay Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa lagu magacaabaa Saalax Bin Jamaal Kashoqgi, halka walaalkiis lagu magacaabo Sahal Kashoqgi, waxayna qarsiga Yamaama ee Boqortooyada magaalada Riyaad kula kulmeen Boqorka iyo wiilkiisa oo uga tacsiyadeeyey geerida Jamaal.
Waxa xusid mudan in qoyska Jamaal ay boqortooyada Sacuudiga saartay xayiraad dhinaca safarka ah, kadib markii uu bilaabay inuu wax ku qoro wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka, wuxuuna saaxiibadii u sheegay Jamal Kashoqgi in arrinta xanuunka ku heysa ay tahay safarka loo diiday wiilashiisa inay uga baxaan Sacuudiga.