Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa madaxweynaha Mareykanka ku shartay billada ugu sareysa boqortooyada Sacuudiga.
Bilada Boqor C/casiis Ala-sacuud oo ah tan ugu sareysa dalka Sacuudiga ayuu qoorta u geliyay Boqor Salmaan madaxweynaha martida u ah ee Donald Trump oo si heer sare ah iska u aqbalay.
Madaxweyne Trump oo maanta socdaalkii ugu horeeyay ka bilaabay Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweyn heer sare ah loo sameeyay, waxaana kulan laba geesood ah uga bilowday boqor Salaam Qasriga Yamaama ee magaalada Riyaad.
SAWIRRO