Boqorka Sacuudiga oo booqashadii ugu horeysay ee ku jooga dalka Ruushka iyadoo uu noqday boqorkii ugu horeeyay ee Sacuudi ah oo booqda dakaasi.
Boqor Salmaan oo ay la socdaan wafdi heer sare ah, waxaana Aqalka Kremelinka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Russia Valdamir Butin, waxaana labada dhinac u bilowday wadahadal ku saabsan xiriirka labada dal.
Sacuudiga oo saaxiib weyn la ah Mareykanka ayaa loo arkaa inuu isbedel ku yimid mowqifkiisii dalka Suuriya, taasoo ka mida qodobadda ugu waaweyn ee labada hoggaamiye ay ka wadahadli doonaan, waxaana lagu wadaa in heshiisyo badan Malaayiin doolar ku kacaya ay kala saxiixdaan labada dal.
Doorka Ruushka ee Bariga dhexe ayaa sii kordhaya, isagoo isbaheysi la leh dalalka Suuriya iyo Iiraan, waxayna kaalintiisa sii korortaya markii uu faragelinta ku sameeyay dalka Suuriya.
DAAWO SAWIRRO