Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa qaaday tallaabo uu dhaxalka boqornimada dalkaasi ugu magacaabay wiilkiisa.
Boqor Salmaan ayaa xilka dhaxal-sugaha Sacuudiga u magacaabay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan wuxuuna xilkaasi ka qaaday wiil uu adeer u ahaa oo lagu magacaabo Maxamed Bin Nayef.
Tallaabadan ayaa si weyn loo hadal hayaa dalalka Khaliijka iyo dunida iyadoo qoyska Aal-sacuud ee reer Boqor ay ka dhex taagneyd xiisad hoose oo awood qeybsi ah.
Wiilka uu dhalay boqorka xilka haya ee Maxamed Bin Salmaan waa 31 sano jir, waxaana lagu tilmaamaa nin qorshe weyn ka leh hoggaanka Sacuudiga, isagoo hogaaminaya dagaalka Yeman ka socda, isla markaana hadda isku haya: Dhaxal sugaya, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Gaashaadhigga.