Boqorka Sacuudiga ayaa ka hadlay weerarradii lagu qaaday xarumaha Shidaalka ee Bariga dalkaasi oo sababay in kala bar uu hoos u dhaco wax-soo saarkii shidaalka ee Sacuudiga dibadda u dhoofin jiray, kadib kulan uu yeeshay Golaha Wasiirada dalka Sacuudiga.
Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco weeraradii fuleynimada ahaa, sida uu yiri ee lagu qaadya warshadaha saliida ee magaalada Abqaiq, Bariga Sacuudiga, laa,iin wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey weerarradaasi oo aan kaliya saameyn Sacuudiga dunida oo dhan ay halis geliyay.
Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma aysan yaboohin wax caddeymo ah oo taageereeya sheegashadeeda. Hadalka boqorka ayaa waafaqsan kii madaxweynaha Donald Trump uu isniintii ku sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay weerarka, isagoo Sacuudiga ugu baaqay inuu is difaaco ama uu bixiyo lacag badan si Mareykanku u difaaco.
Golaha wasiirada Sacuudiga ayaa sheegay in weerkii sabtidii uu halis geliyey ammaanka dunida iyo qeybinta tamarta dunida.
“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano iyo inaan dagaal la galo Iiraan, Sacuudiga waxaa laga rabaa inuu is difaaco, haddii kale waa inuu kharash bixiyaa” ayuu yiri Madaxweyne Trump oo farta ku fiiqay in Iiraan ay ka dambeyso weerarka.