Boqorka dalka Thailand King Maha Vajiralongkorn ayaa guursday gabar ka mid ahayd ilaaladiisa, horena u ahayd haweenka ka shaqeeya adeegga diyaaradaha iyadoo tallaabadan ay ka yaabsiay dadka dalkaasi.
Haweeneydan oo noqon doonta boqorad ayaa lagu magacaabaa Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya, waxaana dhowaan la caleemo saari doonaa Boqorka Maha Vajiralongkorn oo 66 sano jir ah, lana wareegay boqortooyada sannadkii 2016-ka, ka dib markii uu dhintay aabihii.
Boqorkan ayaa saddex guur oo hore soo maray wuxuuna leeyahay toddoba carruur ah, wuxuuna furay sanadkii 2014 xaaskiisii ugu danbeysay Srirasmi Suwadee oo iyaduna ahayd gabar ka shaqeyn jirtay Baararka.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Vajiralongkorn “uu go’aansaday inuu dalacsiiyo General Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya, oo uu boqorad ka dhigo, hadda ka dibna waxay la maqaam noqon doontaa qoyska reer boqor”.
Boqorad Suthida waxay muddo dheer xiriir lahaayeen Boqor Vajiralongkorn, waxayna isku barteen xilligii ay shaqaalaha ka ahayd shirkadda diyaaradaha Thai Airlines oo isaguna uu ahaa duuliye, waxayna muddooyinkii dambe la tagi jirtay xafladaha iyo munaasabadaha.
Suthida Tidjai ayaa ka tagtay shaqadii diyaaradda Thai Airways oo ay adeegto ka ahayd, kadib markii uu boqorka hadda guursaday u magacaabay inay ku xigeen u noqoto madaxa ilaaladiisa gaarka ah, sanadkii 2014, kadiba Sanadkii 2016-kii wuxuu u dalacsiiyeydarajada jenaraalka ee ciidammada dalkaasi.





