Dowladda Sacuudiga ayaa bandow lasii xoojiyey kusoo rogtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi qaarkood oo ay ku jiraan labada magaalo ee barakeysan, si looga hortago faafista cudurka Coronavirus.
Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa soo saaray amarka bandowga, waxaana shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha, iyadoo bandow socon doona laga bilaabo 3:00 Galabnimo ilaa waaberiga lagu soo rogay magaalooyinka Maka, Medina iyo Riyaad, waxaana la saaray amar ah inaysan jirin cid ka bixi karta ama geli karta saddexdaas magaalo. Sidoo kale dhammaan 13-ka Gobol ee Sacuudiga ayaa hore loo saaray bandow lagu xayiray dhaqdhaqaaqa dadka.
Sacuudiga ayaa dadka qaba cudurka Coronavirus waxay gaareen 900 qof, waxaana u dhintay ilaa iminka 2 qof.