Sida ay baahisay Wakaalada Wararka Sacuudiga, dowladda Sacuudiga ayaa diiday in Turkiga uu saldhig milateri ku yeesho dalkeeda.
Wakaalada oo soo xigartay sarkaal sare oo ka tirsan Boqortooyada ayaa sheegtay inuusan Sacuudigu ogolaan karin Saldhig milateri oo Turkigu ku yeesho Sacuudiga, ayna ciidamada Sacuudiga ku filan yihiin ilaalinta amniga dalkooda, welibana ay ciidamo kale dibadda u dirto.
Warka kasoo yeeray Sacuudiga ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Boqorka Sacuudiga u bandhigay in Turkigu saldhig milateri ku yeesho Sacuudiga.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa booqasho ku tegay Sacuudiga isagoo la kulmay madaxda Boqortooyada oo uu ka mid yahay Boqor Salmaan, isagoo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Turkiga. Sacuudiga ayaan ku faraxsaneyn sida Turkiga ku garab istaagay dalka Qatar.