Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda UK iyo Duqii hore ee magaalada London ninka lagu magacaabo Boris Johnson ayaa loo doortay inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ingiriiska.
Boris Johnson oo ah nin xag jir ah oo u ololeeyay in UK ka baxdo Midowga Yurub, ayaa cod-bixintii xisbiga Conservative u doortay inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, isagoo codad gaaraya 92,153 vuga guuleystay ninkii la tartamayey ee Jeremy Hunt oo helay 46,656 cod.
Ninkan ayaa xilka kala wareegi doona ra’iisal wasaarihii hore Theresa May oo Arbacadda banneyn doonta xafiiska, wuxuuna balanqaaday markii uu guuleystay inuu meel marin doono Ingiriiska oo ka baxa Midowga Yurub, isla markaana uu mideyn doono dalka UK, wuxuuna ugu hanjabay hoggaamiyaha Muraacadka ee Jeremy Corbyn inuu ka adkaan doono.
Boris Johnson ayaa Muqdisho yimid intii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda UK bishii March 2017, wuxuuna Madaxtooyada Somalia kula kulmay madaxweyne Farmaajo, isagoo xarunta safaaradda ee Xalane kulna kula yeeshay madaxda dowlad Goboleedyada dalka, wuxuuna isku sawiray Gaari kuwa gaashaaman ah.



