Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Buug laga qoray Dagaaladii Soomaaliya & Itoobiya (1964 & 1977) oo lagu soo bandhigay Muqdisho

    Buug laga qoray Dagaaladii Soomaaliya & Itoobiya (1964 & 1977) oo lagu soo bandhigay Muqdisho

    May 30, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akademiyada cilmiga, fanka & Suugaanta ayaa maanta lagu soo bandhigay daahfurka buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

    “Waxaa la og yahay guud ahaan in taariikhda dal kasta ay ugu qiimo badan yihiin kuwa xiriirka la leh difaaca xornimada & gobonnimada shacbi (dawlad) kasta, waayo noocaan dagaal waxaa ka qeybgala shacabka oo dhan, kuna bixiya DHIDID, DHIIG & DHEEF” sidaa waxaa yiri qoraha buugga Adm Gaas Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).

    Sida uu qoruhu xusay waa buuggii koowaad oo dhanka Soomaalidu ay ka qorto taariikhdii dagaaladii 1964 & 1977 ee ka dhex dhacay wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Buugga oo ka kooban 244 bog wuxuu si faahfaahsan uga sheekaynayaa labadaas dagaal, diyaargarowgii, guulihii iyo guuldarrooyinkii, meelaha Soomaalidu ku xooganayd iyo halka ay ka liidatay oo sababay jabkii danbe.

    Hadalada soo jiidashada leh ee buugga waa kuwii ay yiraahdeen hogaamiyaashii dalka ee waqtigaas, waxaana ka mid ah:

    “Si loo xoreeyo gobollada Soomaaliyeed ee maqan, waa inaan saxiixno go’aanka geerideena” AUN Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan.

    “Gacan waan ku woodaynaa tan kalena waa ku dagaalamaynaa” AUN Raysulwasaare C/rashiid Cali Sharma’arke 1964.

    “Waxaan doonaynaa inaan dhalinno qowmiyadda la yiraahdo (Soomaalis) oo midnimo, wax wada qabsi iyo wada noolaasho taam ah leh” AUN Madaxweyne Gen. Maxamed Siyaad Barre 24/10/1969.

    “Kacaanku wuxuu fuliyey 12 qodob oo ka mid ah kuwii lagu qoray warqaddii koowaad , halka qodob ee dhiman waxaa laga sugayaa ciidanka qalabka sida in ay dhamaystiraan” Jaalle Ismaaciil Cali Abuukar 1/07/1976.

    Dagaalkii ka dib:
    “Ciidan ahaan waan guulaysannay laakin siyaasad ahaan ayaan u guuldarraysannay” AUN Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar, April 1978.

    “Dagaalka annaga Soomaalida ah kaliya ayaa qorshaysanay fulinayna, laakin mid walaxa ayaa innaga fakatay: ma malaynaynin in Ruush iyo Amerika ay ka soo wada horjeesan doonaan qaddiyadeena” AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo cabiraya guuldarada dagaalkii waxa keenay ayaa sidaa yiri April 1978.

    Waxaan dhiiragalinayaa in buuggaan aqoonyahanka Soomaaliyeed, jaamacadaha dalka iyo kulliyadaha tababarka ciidankeena uu faa’ido badan u leeyahay, wax badanna ay ka kororsan doonaan.

    Aad ayaan ugu mahadcelinayaa qorahaa Prof Faarax Qare dadaalka iyo waqtiga uu galiyey soo uruurinta taariikhdaas dheer.

    Image may contain: text

    W/Q: Xildhibaan Axmed Fiqi

    dagaalkii 1977 Dagaalkii Itoobiya Faarax Qare Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhoweeyay Magaalada Nairobi
    Next Article Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo Maalin lasoo hormariyey [Akhriso Go’aanadii kasoo baxay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo