Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Buugga laga qoray Aqalka Cad oo soo xigtay in Trump & Wiilkiisa ay Afgembi ka rideen Sacuudiga [Akhriso]

    Buugga laga qoray Aqalka Cad oo soo xigtay in Trump & Wiilkiisa ay Afgembi ka rideen Sacuudiga [Akhriso]

    January 5, 2018Updated:January 5, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warar laga soo xigtay buugga laga qoray sanadkii uu Aqalka Cad ee Mareykanka ka talinayay Donald Trump ayaa sheegaya arrimo sir ah iyo dhaqanka Trump, waxaana ka mida in afgembi cad ay ka direen Boqortooyada Sacuudiga.

    Buugga  “Fire and Fury: Inside the Trump White House” oo uu qoray nin lagu magacaabo Michael Wolff ayaa soo xiganaya dad kala duwan oo uu ka mid yahay Steve Bannon oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad iyo xubno kale oo ku dhow Trump. Warka ugu weyn ee 24-kii la hadal hayay ayaa ah in Trump uu saaxiibadii u sheegay in Ninkii ay wateen uu la wareegay talada Sacudiga, markii dhaxal suge cusub laga dhigay Maxamed Bin Salmaan.

    “Trump ayaa u sheegay saaxiibadiisa in isaga iyo Jared Kushner (Wiilka uu Soddoga u yahay) ay ka shaqeeyeen inay afgembi ka ridaan boqortooyada Sacuudiga: “Waxaan ninkii aad wadanay dhigtay halka u sareysa” ayaana laga soo xigtay sida Buugga ku qoran.

    Warkii ugu horeeyay ee buugga laga soo xigtay sida warbaahinta Mareykanka baahisay in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano” iyo in Trump  laftiisa ay amakaag iyo fajac ku noqotay in uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Mareykanka.

    Qareennada Trump waxay ku dadaaleen in ay hor istaagaan daabacaadda buugga oo Aqalka Cad uu aad uga careysan yahay: Waxaa loogu maagacdaray Gudaha Aqalka Cad ee Trump, waxaana qoray Michael Wolff. Buugga ayaa hadda la iibinayaa.

    Waxyaabaha ku qoran buugga

    • Buugga oo la yiraahdo Fire and Fury: Inside the Trump White House, waxaa ku qoran arrimo aad xaasaasi u ah sida:
    • In Bannon uu aaminsan yahay in kulan dhex maray Donald Trump Jr iyo koox Ruush ah uu ahaa “khiyaano qaran”.
    • In kooxda Trump ay ka naxeen oo ka anfariireen guushii uu ka gaaray doorashada.
    • In xaaskiisa, Melania, ay ilmaysay habeenkii doorashada.
    • In Mr Trump uu ka xanaaqsanaa in xiddigaha caanka ka ah Maraykanka ay caleemasaarkiisa ka maqnaayeen.
    • In Aqalka cad uu yahay “meel laga welwelo ama xataa laga yara baqo”.
    • In gabadhiisa, Ivanka, ay iyada iyo ninkeeda Jared Kushner qorshaynayeen inay noqoto “marwada 1aad ee madaxweynaha”.
    • Inay inqilaab cad ka rideen Sacuudiga oo ay halka sare geeyeen ninkii ay wateen ee Maxamed Bin Salmaan.

    Buuggan muranka dhaliyay ayaaka kooban yahay illaa 200 oo wareysiyo, waxaana la filayey inuu soo baxo 9-ka Bisha Janaayo, taas bedelkeedna waxaa lasoo saaray maanta iyadoo ay si weyn uga caroodeen Trump iyo kooxdiisa oo ku fashilmay inay joojiyaan daabicistiisa.

    Fire and Fury: Inside the Trump White House Jared Kushner Michael Wolff Mohamed Bin Salman Saudi Steve Bannon Trump
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleItoobiya oo xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhalisay Masar iyo Suudaan [Sudan oo safiirkeedii u yeeratay]
    Next Article Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Buuloburte iyo Askari ka tirsan AMISOM oo ku dhintay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo