Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa u sheegay guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir inay iyagu mas’uul ka yihiin ammaanka degmooyinkooda, wixii ka dhacana ay mas’uuliyadooda iyagu qaadi doonaan.
“Taliyihii Booliska ayaad heysataa, taliyihii nabadsugidda adiguu ku hoos tagaa,xukuumadii oo dhan ayaa diyaar uu ah haddii aad intaas qaban weydaan oo degmadaada wax ka dhacaan kow qofka la qabanaayo adiga waaye, Baabuur qarax ku xiran yahay oo meel kale ka yimid haddii uu degaankada ku qarxo adigaa lagu qabanayaa….” ayuu yiri C/rashiid Xiddigg oo ugu yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka haddii aysal xilka qaadi karin inay iska dhigaan xilka.
DHAGEYSO CODKA
Wadani.com