Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa caawa kulan la leh guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, kadib kulan kale oo uu maanta la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
C/casiis Laftagareen ayaa kulanka uu la yeelanayo Sheekh Shariif uu yahay kii ugu horeeyay ee muddooyinkan hex mara, waxaana la sheegay in looga hadlayo caqabadaha hortaagan Doorashada iyo arrimaha la isku mari waayey ee furista shirka Wadatashiga .
Waxaa maanta hakaday shirarkii Madaxda maamul Goboleedyada, waxaana soo baxay caqabado cusub oo soo wajahay dadaalkii loogu jiray in xal loogu helo arrimaha hortaagan shir ay isugu yimaadaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo kuwa dowlada Feeraalka.
Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu isku dayayo sidii uu waanwana uga geli lahaa, una qancin lahaa arrimaha Midowga Musharixiinta si loogaa hortago muddo kororsiga ay damacsan yihiin Maxamed Mursal iyo Maxamed Farmaajo.
“Waxaa Caawa booqasho noogu yimid M/weynaha Dowladda Koonfur Galbeed Laftagareen & xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee dalka & sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jawi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa maanta kulan kale la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay uga hadlaan xaalada Doorashada iyo khilaafka ka taagan.




