Lafta-gareen ayaa ku tlmaamay wax bani’aadamnimada ka baxsan in dalka shacab ah la raafo oo hooyo iyo caruurteeda la kala reebo.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta- gareen) ayaa si kulul u cambaareeyay dadka laga musaafurineysay magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool.
Dadkaas ayuu sheegay inay 90% yihiin dad kasoo jeeda K/Galbeed, ayna si weyn uga xun yihiin falka lagula kalay, wuxuuna maamulka Somaliland ugu baaqay, haddii aysan dadkaasi dooneyn inaan loola dhaqmin si bani’adaamnimada ka baxsan ee si miyir leh loo soo rarro, balse aanay wax la qaadan karo ahayn in lasoo raafo.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa jawaab degdega ka dalbaday maamulka Somaaliland inay ka bixiyaan falkan foosha xun oo weli sii socda, laguna kala fogeynayo Qoysaska iyo caruurtooda, hantidoodana looga reebaynayo.
“Waxaan Somaliland ka dalbaneynaa in haddii dadkaasi la saaryo aan iyaga iyo caruurtooda la kala reebin, iyaga iyo hantidoodana aan la kala reebin… waxaan u mahadcelineynaa maamulka iyo shacabka Puntland sida ay dadkaasi ugu gurmadeen..” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed.
Maamulka K/Galbeed ayaa ayaa dhinaca kale Guddi heer Wasiiro ah u magacaabay xaaladda dadka laga soo barakiciyey Magaaladaa Laas-Caanood, ayna diyaar u yihiin inay dib u dejin u sameeyhaan.
