Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa soo saaray Liiska 10 ka mida Musharaxiinta u tartameysa 5 ka mida Kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto K/Galbeed.
Musharaxiinta 10-ka ah waxay u tartamayaan Shan kursi oo ka mida 8 Kursi ee Aqalka Sare ah, waxaana laa kursi oo ka mida loo xiray oo ku tartamaya oo kaliya haween, taasoo ay si weyn u dooneysay Beesha Caalamka.
Musharixiinta Aqalka Sare ee Madaxweynaha K/Galbeed soo sharxay waxaa ka mida Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir iyo xubno aad ugu dhow, kamana dhex muuqdaan siyaasiyiin caan ah oo la yaqaan.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa isbaheysi gaara la leh Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana la sheegay inuu meesha ka saari doono musharixiinta la yaqaan ee siyaasiyiinta hore ah.
HOOS KA AKHRISO
