Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xillalkii qaaday xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, iasgoo magacaabis iyo isku shjaandheyn kale sameeyay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwey aha Koonfur Galbeed ayaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah: Wasiirka Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan iyo Wasiirkii Warfaafinta Ilyaas Cali Qalinle.
Waxaa kaloo Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu magacaabay wasiirada soo socda:
1- Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda waxaa loo Magacaabay Xasan ibraahim Xasan (Lugbuur)
2- Wasiirka Warfaafinta waxaa Koonfur Galbeed waxaa loo Magacaabay Ilyaas Cali Nuur
3- Iyo alka Wasiirka howlaha Guud loo Magacaabay Maxamed Cali Xasan.
4- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga waxaa loo magacaabay Axmed Maxamed Mashruuc.
Qaar ka mida wasiirada xilalka laga qaaday ayaa la sheegay inay doonayeen inay isu sharxaan kuraasta xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka.
