Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa bogaadiyey tanaasulka ay muujiyeen musharixiintii qaadacay Doorashada Galmudug ee haddana taageeray Natiijadii doorashada Galmudug.
Qoraal kooban oo wata sawirrada musharxiinta tanaasulay ayuu ku taageeray mowqifka ay qaateen musharixiinta kala ah: Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere, C/llaahi Faarax Weheliye iyo C/weli Garyare, wuxuuna tallaabada ay qaadeen ku tilmaamay mid muujineysa biseyl siyaasadeed.
“Amaan iyo bogaadin ayey mudan yihiin xubnahii murashaxiinta ahaa ee aqbalay natiijadii doorashada ee Galmudug, waxayna muujineysaa biseyl siyaasadeed iyo daqnasho ay u qabaan deegaankooda. Hogaanka cusub ee Galmudugna waxaa looga baahan yahay inuu arinkaas niyad wanaag ku qaabilo..” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo hore u taageeray doorashadii Madaxweyne Qoorqoor oo ahaa musharax ay wadato dowladda Federaalka.
Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa noqday musharaxa kaliya ee mucaaradka ahaa ee weli ka horjeeda doorashadii ka dhacay Dhuusamareeb, wuxuuna si cad u sheegay inuusan dulmi markhaati ka noqoneynin oo aysan jirin sabab uu hambalyo u diro.